Advertisements

Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya (NISA) oo xalay gacanta ku dhigay gaari lagu diyaarinayay walxaha Qarxa.

Gaari walxaha qarxa.jpg1Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya (NISA) ayaa xalay gacanta ku dhigay gaari Nuuca Kaarib ah oo lagu diyaarinayay walxaha Qarxa, kadib howlgallo ay ka sameeyeen qabuuraha Jeneraal Da’uud Degmada Warta Nabadda.

Gaari walxaha qarxaAfhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in wali ay baaritaan wadaan ciidamada, sidoo kalana la ogaanayo in ay jiraan walxo kale oo qarxa oo lagu diyaarinayay goobta laga qabtay gaariga.

Ciidamada ayaa gudaha gaariga kasoo saaray Rasaasta Qoriga RPG-ga, Boolal iyo waxyaabo kale oo loo adeegsado Qaraxyada Baabuurta.

Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya  ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegtay in Qaraxyo Caawa laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen Baaruud lasoo galiyay Baco, oo aan gaysan Waxyeello.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Macalin Xirsi, ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay baaris Wadaan, si rasmi ahna loo soo bandhigi doono waxyaabaha macmalka ah la doonayay in Ammaanka lagu qalqalgaliyo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: