Advertisements

DADKA REER BRITAIN OO AFTI U QAADAYA KA MID AHAANSHAHA MIDOWGA YURUB IYO IN KALE.

 Afti.jpgDadka Reer Britain ayaa maanta oo khamiis ah u dareeray goobaha cod bixinta afti qaadista, si ugu codeeyaan inuu ka sii mid ahaado Midowga Yurub iyo in kale.

Siyaasiyiinta Britain ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay doodo kulul ku dhex mareysay Telefishinada, waxaana ay ahaayeen kuwo ku kala aragti duwanaa aragtida ah in Britain ka baxdo Midowga Yurub iyo inay ka sii mid ahaato.

Waxaa goor sii horeysay dadka bilaabeen inay safaf u galaan goobaha cod bixinta, saacada marka aheyd 10-ka subaxnimo,

Ku dhowaan 46,499,537 oo qof ayaa xaq u leh in ay codkooda ka dhiibtaan aftidan, waana tiradii ugu badnayd ee codbixiyeyaal ah oo abid ka qayb qaata doorasho Britain ka dhacday.

Aftidan ayaa noqonaysa aftidii saddexaad ee soo marta taariikhda dalka Britain, waxa ayna ku soo beegmeysaa kaddib afar bilood oo uu socday olole lagu doonayay in dhinacyada iska soo horjeeda ay ku hantaan kalsoonida codbixiyeyaasha.

Dhinicii ku guuleysta in ka badan kala bar codadka la dhiibta ayaa ku guuleysan doono aftidan.

Natiijada aftida ayaa laga yaabaa in ay kala caddaato ka hor inta aan rasmiyan lagu dhawaaqin maalinta Jimcaha ah.

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: