Advertisements

WARIYE C/RAXMAAN KORONTO OO KA TAGAY BBC, KADIB 16 SANO

A. Koronto.jpgWariyaha rug-cadaaga ah C/raxmaan Maxamed Aadan Koronto ayaa isaga tagay shaqada laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, kadib muddo 16-sano ah oo uu ka shaqeynayay.

A. Koronto.jpg1Mudane C/raxmaan Koronto ayaa dhowr bilood ka hor ahaa Tifaftiraha Barnaamijyada BBC-da, sidoo kale waxaa uu ahaa barnaamij soo saare.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta BBC-da ayaa lagu sagootiyay C/raxmaan Koronto, waxaana munaasabada ka qeyb galay wariyeyaasha laamaha kala duwan.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay inay maanta ugu dambeyso shaqadiisa, isagoo uga waramayay shaqadii BBC-da, dalalkii uu ka soo shaqeeyay iyo barnaamijyadii uu doorka ku lahaa.

“Maanta ayaa iigu dambaysay shaqada BBC, iyadoo aan iska casilay dhowaan kadib muddo 16 sano ah oo aan ka shaqaynayay, Mudadii aan joogay waxaan soo noqday Tifaftiraha barnaamijyada, soo saare sare, soo saare barnaamij”ayuu yiri C/raxmaan Koronto.

C/raxmaan Koronto ayaan cadeyn sababaha uu uga tagay, balse waxaa la sheegay in todobaad ka hor uu warqadiisa istiqaalada u gudbiyay maamulka sare ee BBC-da.

Koronto ayaa ka mid noqonaya Wariyeyaal rug-cadaa ah oo ka tagay BBC-da 10-kii sano ee u dambeeyay, waxaana ugu dambeeyay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tagay bishii September ee sanadkii hore.

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa inta badan barnaamijyadeeda loo raray magaalada Nairobi, halkaasoo toos looga sii daayo.

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: