Advertisements

DOWLADDA KENYA OO SHEEGTAY INAY DISHAY SARKAAL KA TIRSAN AL-SHABAAB

Masked gunmen killed 17 people and wounded dozens in gun and grenade attacks on two churches Sunday in the Kenyan town of Garissa near the border with SomaliaBooliska Kenya ayaa Isniintii ka hor-tagay weerar argagixiso, iyagoo dilay mid ka mid ah kooxo qorsheynayay weeraro inay ka geystaan magaalada Kwale.

Gaarissa.jpg1Taliyaha Booliska Gobolka xeebta Francis Wanjohi ayaa sheegay in ninka la dilay ahaa mid ay aad u baadigoobayeen, isagoo xusay in la qabtay saddex xubnood kale.

Waxaa uu sheegay in saraakiishan ay dhowaan dib ugu soo laabteen magaalada Kwale oo koofur ka xigta Mombasa, isla markaana ay booliska heleen bam kuwa gacanta lagu sameeyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Idiris Aadan oo ka mid ahaa ragga la qabtay uu muddo ku jiray liiska Booliska dadka ay doon doonayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in dhamaan xubnahan ay magaalada Kwale ka wadeen olole ay dhalinyaro ugu qorayeen Al-Shabaab, isla markaana fikirka Al-Shabaab ay ku shubayeen.

Booliska Kenya ayaa dhowaan ka digay weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha dalkaas inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

SomaliSwiss     Gaarissa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: