Advertisements

Magaalada Muqdisho oo maanta laga Xusay maalinta Qaxootiga adduunka.

Qaxooti.jpg4Xuska maalinta Qaxootiga adduunka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda  iyo dhiira gelinta maalgashiga Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya , madax ka socotay xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ururo u dhaq dhaqaaqa qaxootiga iyo barakacyaasha iyo sidoo kale wakiilo ka socday dadka reer Yemen ee qaxootga ku ah Soomaaliya.

Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo madaxdii ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay muhiimada maanta oo kale ay uu leedahay qaxootiga adduunka.

Wakiiladii ka socday qaxootiga yemaniyiinta ah ee jooga Soomaaliya ayaa ka hadlay caawimaadii ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda markii ay Soomaaliya yimaadeen iyo xaaladda ay hada ku suganyihiin.

Axmed Cabdikariin Nuur (Axmed-Daahir) oo ah  Guddoomiyaha Hey’adda Dib-u-soo celinta & dib-u-dejinta Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa sheegay in xuska maanta oo kale ay muhiimad gaar ah ugu fadhiso shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo dhiira gelinta Maalgashiga Soomaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa xusay in dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin in qaxootiga Soomaaliyeed ee caalamka ku nool in si qasab ah loogu soo celiyo dalka, isagoo intaa ku daray in tobaadkan ay la kulmayaan madax ka tirsan dowladda Kenya.

Sanad walba marka la gaaro 20-ka bisha June waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta qaxootiga caalamka oo lagu soo bandhigo xaaladaha dadka qaxootiga ah iyo baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: