Advertisements

Xog-hayaha Guud ee QM oo shalay booqasho ku ku tegay jasiirada Lesbos ee dalka Giriigga.

Ban-Ki-Moon-. GrigaXog-hayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon ayaa shalay booqasho ku tegay jasiirada Lesbos ee dalka Giriigga, wuxuuna sheegay in dhibaatada qaxootigu aysan weli dhammaan asagoo isla markaa ku baaqay in qaab baniaadminimo arinkaa loo wajaho qaarada Yurub oo dhan.

Mr. Ban-ki-Moon wuxuu kula dardaarmay dadyowga dalalka Yurub oo dhan inaysan xadadka ka xiran aysana adeegsan midab kala sooc iyo takoor ka dhan ah qaxootiga.

“Maanta, waxaan la kulmay qaxooti ka yimid caalamka meelaha ugu dhib badan. Waxay kusoo noolaayeen dhibaatooyin. Dhibkaasna weli ma uusan dhammaan,” Mr. Ban ayaa sidaa usheegay xubnaha hayado samafal oo aan dawli ahayn kuwaasoo usoo xoomay si ay madaxa QM hadalkiisa u dhageystaan gaar ahaan arinka kusaabsan xaalada adag ee halkaa ka jidha.

“Laakiin halkaan ah Lesbos, waxay heleen nafis kadib markii ay soo mareen colaad iyo gabbood fal,” intaa ayuu raaciyay.

Wuxuu kaloo xusay in dadka jasiiradleyda ah ee reer Lesbos ay dabadeed u fureen qaxootiga guryahooda, quluubtooda iyo boorsooyinkooda jeebka ee lacagta lagu rito si ay u taageeraan dadkaa baahan.

Mr. Ban ayaa sidoo kale sheegay in qaxootigu u sheegeen rajooyinkooda, iskoolo inay u doonayaan carruurtooda iyo inay doonayaan shaqooyin si qoysaskooda ay u korsadaan.

Booqashada Mr. Ban oo ah labo maalmood ayaa waxay timid wax yar un ka hor maalinta qaxootiga ee dunida oo ku beegan beritoole oo ah 20ka Juun.

SomaliSwiss     Lesbos

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: