Advertisements

MID KA MID AH GUDDIGII SAXAAFADA EE SHALAY ANSIXIYEEN GOLAHA WASIIRADA OO IS CASILAY

Golaha Wasiirada.jpg10Mudane Maxamed Deeq Barre Fiyoore oo ka mid ahaa Guddigii Saxaafadda ee ka koobnaa 9-ka xubnood ee ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay guddigaas.

Fiyoore ayaa sheegay in markii hore aan lagala tashan guddigan, isla markaana uusan wax ka ogeyn, isagoo xusay in xataa Saxaafada madaxa banaan aan wax laga weydiin dhismaha guddigan.

“Waxaa halkaan ku cadeynayaa liiska soo baxay ee Guddiga saxaafada ee 9-ka xubnood ee aan magaceyga ku arkay, in aan ka mid aheyn oo aan la igala tashan, saxaafada madaxa banaan aanu ku matalin, maadaama aan iyaga lagala tashan, waxaa cadeynayaa in guddigaas ka mid aheyn, waxna ka ogeyn howshiisa, kuna baraarugay saacado ka hor inaan guddigaas ku jiro, magaceyga iyo magaca Saxaafada madaxa banaan midna kuma matali guddigan”ayuu yiri Maxamed Deeq Barre Fiyoore oo ah Agaasimaha Idaacada Danan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in guddigan xilliga la dhisay ay tahay xilli xaalad xasaasi ah dalka uu ku jiro, isla markaana uu dalka galayo doorasho waqti dhow ka harsan yihiin.

Mr Fiyoore ayaa ku baaqay in Guddigan la hakiyo, isla markaana marka hore la geliyo waqti lagala tashto saxaafada madax banaan, maadaama Xukuumadda hada jirta uu waqtigeeda sii dhamaanayo, isla markaana ay muhiim tahay in saxaafada wax badan ka ogaato.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shalay Golaha Wasiirada u gudbiyay Guddiga Saxaafada, iyadoo Golaha Wasiirada ay meel mariyeen Guddigan.

Guddigan ayaa isugu jira Saxaafadda Madaxa banaan iyo mida dowladda, sidoo kale haweenka ayaa qeyb ka ah, waxaana dad badan ay shaki geliyaan xilliga guddigan lagu soo beegay, iyo deg degta uu Golaha Wasiirada u meel mariyay, maadaama markii la dhisayay aanu jirin wax wada tashi guud ah oo lagala sameeyay Saxaafadda Madax banaan

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: