Advertisements

Wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda Midowga Yurub.

Carte.jpg1.jpgR/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carteh iyo wafdi uu hogaaminayay oosafar shaqo ku jooga dalka Biljimka ayaa la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan Midowga Yurub.

Carte.jpg5.jpgMudane Carte ayaa kala hadlay madaxdaasi arrimo baadan oo ku saabsan horumarka iyo samafka ay siiyaan Soomaaliya. Waxaa kale oo barbar socday kulamo kale oo Midoga Yurub soo qaban-qaabiyeen oo looga hadlayey sidii loo hirgelin lahaa Agendaha 2030 ee Horrumarka Waara.

R/wasaare ku xigeenka ayaa ka qayb qalay  furitaanka shir muhiim ah isaga iyo hoogaamiyayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin, Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Boqoradda Belgium, Madaxwaynayaasha Mauritius, Burkino-Faso, Kenya, R/wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo badan.

Shirkaas oo lagu falanqaynayey doorka ay Midowga Yurub ka qaadan karto dib u dhiska wadamada ay saameeyeen, dhibaatooyinka la xiidhiidha is bedelka cimilada adduunka iyo dagaallada sokeeye iyo sida ay bulshadu ugu dhabar adaygi layhayd aafooyinka.

Carte.jpg3.jpgR/wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamaed Cumar Carte ayaa  kulumo gaar gaar ah oo kala duwan la’yeeshey Gudiyadda Midowga Yurub. Sida, gudiga Iskaashiga Caalamiga, Arimaha Dibedda, ganacsiga,  iyo Amniga.

 Carte oo warbixin ka bixiyay horumarka iyo guulaha laga gaaray xagga amniga, dhaqaalaha iyo siyaadda dalka. isagoo hoosta ka xariiaqay in Somalia aanay uga bixin Karin marxaladdan macaawino keliya ee loo baahan yahay in dawladaha iyo sharikadaha Yurub ay Somalia maalgashadaan.

Mudane, Maxamed Cumar Carteh, waxuu sidaa si la’eg u xaqiijiyay in dowladda ka go’an tahay in sanadkan 2016ka ay waddanka doorasho ka dhacayso, lana fulinayo balan qaadkii ahaa in dowladdu xukunka ku wareejiso dawlad la soo doortay.

Carte.jpg4Ra’iisul Wasaara ku xigeenku wuxuu ku adkeeyay madaxda sare ee Midowga Yurub in ay Somalia si buuxda uga taageeraan sugidda amniga, ilaalinta khayraadka iyo amniga badaha iyo xeebaha Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Midowga Yurub u xaqiijiyeen Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka in ay ku faraxsan yihiin soona dhawayeen horumarka dowladdu ay ka sameysay dhinacyo badan sida kobcinta dhaqaalaha, amniga, iyo meel-marinta siyaasadda amniga badaha iyo xeebaha Soomaaliyeed.

Carte.jpg2SomaliSwiss      Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: