Advertisements

XOGHAYAHA GUUD NUSOJ OO KULA KULMAY LONDON MAS’UULIYIIN KA TIRSAN XAFIISKA ARRIMAHA DIBBADA BRITAIN

MacalimuXoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Nur Macalimuu oo booqasho ku jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa kula kulmay xafiiska arrimaha dibadda.

Xafiiska Arimaha Dibadda iyo Barwaaqa Sooranka dalka Britain(Foreign and Commonwealth Office) kuwaas oo uu uga warbixiyay xaaladda warbaahinta Soomaaliya iyo isabadalka ku dhacay hoggaanka Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliya.

Masuuliyiinta uu la kulmay waxa ka mid ahaa Julian Reilly oo ah Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain u qaabilsan Soomaaliya , Mr Daniel Smith oo Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Qaabilsan iyo Sidoo kale Miss Harriet Mathews oo ah Safiirka Britain u fadhisa Soomaaliya.

“Dhibaatooyinka ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo muhimadda ay waqtigan lagu jiro u leedahay in la helo saxaafad madax bannaan oo si xor ah u shaqeysa,”ayuu u faahfaahiyay xoghayaha guud ee NUSOJ mas’uuliyiintii uu la kulmay.

Sidoo kale xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay dowlada Britain dowladda Britian doorkeeda hogaamineed ee xilligan arimaha Soomaaliya maadaama ay tahay dalkii ugu horreeyay oo reer Galbeed ah oo safaaradoodii dib uga fura Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maxamed Ibraahin Nuur ayaa maalmaha soo socda waxa uu kula kulmi doonaa magaalada London saxafiyiinta Soomaaliyeed ee halkaa ku nool iyo qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya howlaha saxaafada ee xaruntoodu tahay magaalada London.

SomaliSwiss   London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: