Advertisements

Xildhibaanad katirsaneyd Baarlamaanka UK oo la dilay.

Jo Cox killedBooliiska Waqooyiga England ayaa sheegay in Jo Cox oo ahayd xildhibaan katirsaneyd Baarlamaanka Britain ay dhimatay, kadib markii lagu toogtay deegaankii laga soo doortay ee West Yorkshire. (SAWIRRO)

Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga Shaqaalaha ee Labour, lama oga sababta loo dilay.

Waa qofkii ugu horreeyay ee Xildhibaan ah oo xil haya oo la dilay ilaa dilkii xildhibaan Ian Gow, oo lagu dilay weerarkii IRA sanadkii 1990.

Wararka ka imanaya waqooyiga England ayaa sheegaya in haweeney baarlamaanka ka tirsan la toogtay oo dhaawac uu soo gaaray iyada kulan ku qabaneysay deegaanka laga soo doorto.

Jo Cox — oo ah xubin baarlamaanka UK ee xisbiga shaqaalaha ayaa ku jirtay shir magaalada Leeds – markii la toogtay waxaa si deg deg ah isbitaalka loogu qaaday dayaarad.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ms Cox laga toogtay madaxa dhawr jeerna middi la geliyay.

Xigasho BBC Somali

Jo Cox killed Jo Cox killed Jo Cox Jo-Cox- Labour MP Jo Cox

Advertisements
%d bloggers like this: