Advertisements

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ARRIMO CAAFIMAAD U AADAY JARMALKA

Madaxweynaha dowladda SoomaaliyaMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrimo caafimaad u aaday dalka Jarmalka, halkaasoo sanadkii hore sidan oo kale baaritaan caafimaad u tagay.

Sida la sheegay Madaxweynaha ayaa la balansanaa dhaqtarkiisa ku sugan magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Madaxweynaha ayaa xaaladiisa ay tahay mid caadi ah, balse waxaa uu marayaa baaritaan caafimaad oo caadi ah, maadaama ay ku soo fool leedahay howlo culus oo ay ka mid tahay doorashada sanadkan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wali wax war ah ka soo saarin safarka caafimaad ee uu Madaxweynuhu u aaday dalka Jarmalka.

Sanadkii hore ayaa markii Madaxweynaha howlo caafimaad u aaday dalka Jarmalka ayaa wareysi uu xilligaas siiyay BBC-da waxaa uu ku sheegay in baaritaan caafimaad in la maro ay tahay mid muhiim ah, maadaama uu muddo xafiiska joogay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Waa markii labaad oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh howlo caafimaad u aadayo dalka Jarmalka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: