Advertisements

GOLAHA WASIIRADDA OO MEEL MARIYAY XUBNAHA GOLAHA SAXAAFADDA QARANKA

Golaha Wasiirada.jpg10Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa kaga hadlay arrimo dhowr ah, iyadoo meel mariyay xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya, kaasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir ayaa waxaa warbixino looga dhageystay, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixinta Amniga ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey howlgallada ka socda dalka, isagoo ka warbixiyay dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka ay sababeen in kooxaha nabadda diidan dhex-dooda ay kala jabeen, iyadoo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey waayeen xubno iyo saraakiil muhiim u ahaa kooxda.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbiyey xubnaha guddiga Saxaafadda Soomaaliya, guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa lagu soo xulay aqoonta ay u leeyihiin saxaafadda iyo shuruucda hagaysa. Golaha ayaa dood dheer kadib ansixiyey guddigan, waxana ay soo jeediyeen in qodobada qaar wax ka badel lagu sameeyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/rixmaan Odawaa ayaa warbixin ka siiyey Golaha Wasiirada halka uu marayo barnaamijka Hiigsiga 2016 iyo raashin ay leedahay Hay’adda WFP oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: