Advertisements

Xoghayaha Guud ee Q M Ban Ki Moon iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo kawada hadlay Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Ban Ki Moon iyo UhuruXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane Ban Ki Moon iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kawada hadlay Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya, iyadoo Ki-moon uu ku boorriyay Xukuumadda Kenya inay xurmeyso heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee dib u celinta qoxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab, ayna la shaqeyso Dowladda Soomaaliya yo QM.

Ban Ki Moon iyo Uhuru.jpg1Kulanka Ki-Moon iyo Uhuru Kenyatta oo shalay ka dhacay Magaalada Brussels ee xarunta Dalka Belgium, ayaa Waxay QM ku ammaantay Kenya muddaddii dheeer ee ay Qoxootiga Soomaaliyeed ku haysay Xeryaha Dhadhaab.

“Xukuumada Kenya waa inay kala shaqeyso dowladda Somalia iyo QM, heshiiskii saddex-geesoodka ahaa – ee dib u celint Qoxootiga, kaas oo lagu Saxiixay Nairobi Sannadkii 2013-kii,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlayay kulanka uu la qaatay Kenyatta.

Sidoo kale, Ban Ki-Moon ayaa ku baaqay in Qoxootiga Soomaaliya ee Dib loogu celinayo Dalkooda ay noqdaan kuwo iskood u doortay, Balse aanay dhicin in Ruux aan doonayn in la celiyo lagu qasbo in lagu celiyo.

Dhanka kale, Ki-Moon ayaa balan-qaaday in QM ay sii wadeyso kaalmada bani’aadanimo, kuwa hurumarineed iyo tan Amaan ee ay la garab-taagan tahay Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya.

Kenyatta iyo Ban Ki-Moon, ayaa Isku-dhaafsaday Kulankooda Aragtiyadooda ku Aaddan Amaanka iyo nabadgelyada gobolka, iyo caqabadaha kala duwan ee uu gobolku Wajahayo.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Kenya ayaa waxay sheegtay in dhammaadka sannadkan ay si rasmi ah u xirayso xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya oo ah kuwa ugu weyn caalamka oo ay ku nool yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo ku dhaw Nus-malyuun Qof.

SomaliSwiss            Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: