Advertisements

ROOBAB MAHIIGAAN AH OO KA DA’AY MAGAALADA MUQDISHO EE CAASIMADDA SOOMAALIYA.

Roobab Mihigaan ah.bmp1Roobab xooggan oo mahiigaan ah ayaa ka da’aya magaalada Muqdisho, iyadoo roobabkan ay saameyn ku yeesheen isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Roobabkan oo saacado badan da’aya ayaa biyo badan ay dhigeen waddooyinka, kaasoo hakiyay isu socodkii magaalada iyo dhaq dhaqaaqii ganacsiga.

Saameynta ugu weyn roobabkan ayaa ku yeeshay ardaydii iskuulada u kalihi jirtay, goobaha shaqada, waxaana dadka intooda badan ay ku hakadeen guryahooda.

Inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo roobabkan ay sababeen, hadana waxaa jira dhibaatooyin uu u geystay dadka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ku yaala magaalada Muqdisho.

Roobabka saaka ayaa saameyn ku yeeshay diyaaradihii ka soo degi jiray magaalada, waxaana baaqday dhowr duulimaad oo saaka imaan lahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ka mid ah diyaarada Turkish Airways.

Diyaaradaha imaan lahaa magaalada Muqdisho ayaa u baaqday cimilada oo xun awgeed, waxaana   dib u dhac ku yimid diyaaradaha qaadka ee ka imaanayay magaalada Nairobi.

SomaliSwiss                    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: