Advertisements

GABRE MEEY DILAAN INTEEY GUURE DILAYAAN..

gabreWeli waxaa ka socda dalkeenii dilka lagu hayo waxgaradka iyo inta diidan in ay u shaqeeyaan gumaaysiga iyo cadawga soo jireenka ah ee aanu Afrikada Bari ku leenahay. Inta wax fahmeeysa waxaan shaki ku jirin in itoobiya ka go’an tahay in Soomaaliya ka tirto qaarada Afrika Soomaaliduna iyagoo koox koox ah iyada hoos tagaan. Waxeey ka faa’ideeysatay naceebka qabyaalada ku dhisan ee Soomaaliya laga dhex abuuray.

Itoobiya iyadaa kala qolo qolo ah oo luuqad, diin iyo dadnimo midna wadaagin. Halka Soomaalida yihiin hal qooys oo kale oo aanu jirin wax Soomaaligi kan kale kala duwan yahan. Itoobiyada la sheego waa qabiilada Tigreey iyo Amxaaro. Labadan qolo ayaa ilaa hada haya awooda iyagoo ku tunta xuquuqda umadaha kale oo qaarkood duur ku nool yihiin. 

Dilalka loo geeysto waxtarka Soomaaliyed oo ay Shabaab sheegtaan ayaa inta badan waxba kama jiraan ah. Cidii u fiirsatay waxaa cad in la beegsado kaliya inta fahmeeysa qayaanada cadawga amxaarada isla markaana ku hoowlan isu keeynta Soomaalida. Itoobiya ayaa si xad dhaaf ah u joogto dhulka Soomaaliyeed min Bari ilaa Galbeed, min Waqooyi ilaa Koonfur. Kumana hoowlana waxaan aheeyn in marka hore u dhiibaan maamulka iimaan beelayaasha dabadhilifka u ah, marka xigtana la laayo cidii Soomaali ah. 

Sida Soomaalida hada fahantay dilalka waxtarka Soomaaliyeed waxaa si cad uga danbeeya cadawga itoobiya loona baahan yahay in dalka laga saaro. Ogaada dowladii C/Qaasim Salaad oo mida hada jirta ka awood yareeyd waxeey ku guuleeysatay in amxaarada dalka aanu soo galin. Iyadoon xoog la gaarin awooda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya leedahay ayaa ku filan in la isticmaalo si Itoobiya dalka looga saaro. Nasiibdarase maadaama masuuliyiinta Soomaaliyeed oo uu Xasan Sheekh ugu horeeyo waxeey yihiin kuwa cadawga u kabo qaad ah. 

Shabaab ayaa iyagu loo isticmaalaa in ay fuliyaan qorshaha amxaarada. Inta aan diin la gaarin caqliga qofka fayoow ayaa diidaya in ay bartilmaameed ka dhigtaan shaqsi Soomaaliyeed oo Ahlu Toowxiid ah iyadoo dalka aay joogaan cadawgeena soo jireenka ah ee ahlu Daaquudka ah. Maxeey u weerari waaweeyn xafladaha ginbod 7 una bartilmaameedsan la’yihiin Gabre, saraakiisha kale amxaarada ee min Waqooyi ilaa Koonfur daadsan iyo kuwa Soomaalida ah ee sida dhaw ula shaqeeya. Gabre meey dilaan inteey Guure iyo masuuliyiinta kale ee qiimaha leh oo ay marar kala duwan sheegteen dilkooda.

Waqtigan xaadirka ah waxaa Geesi ah, waxaa Mujaahid ah, waxaa Wadani ah, waxaa Soomaali ah ninkii dila Gabre oo qaba dhiiga inka badan labaatab kun oo Soomaali ah iyo amxaarada kale ee Villa Somalia dagan meeshana ka saara. Shabaab hadeey jihaad rabno waa kuwan in lagu  jihaado la waajibiyay. 

Waxaa jirta inta dhiigu uu ku karsan yahay Soomaalida xalaasha ah loona baahan yahay in la soo nooleeyo dhaqdhaqaaqyadii wadaniga ahaa. Alle idankii si fudud ayaa looga guuleeysan doonaa gumeeysiga madoow ee qubaya dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Shabaab waxaa shaki la’aan ah in ay ka buuxaan dhalinyaro diinta Alle daacad ka tahay waxaase marag ma doonta ah in sidoo kale ay ka buuxaan kuwa maamulka u haya oo gumeeysiga ku darsaday Soomaalidana gumaada.

Xarakadan waxaa ku waajib  ah in ay xabadoodu ku wajahaan cadawga ugu xun ee aan leenahay raadiyaana midnimada Ummada Soomaaliyeed. Waqtiga adag ee aanu mareeyno wuxuu waajib ka dhigayaa in la is kaashado ee aan waxgaradka iyo waxtarka la bartilmaameedsan. Waxa la sugayaa waa kacdoon gudaha iyo dibada si loo dhabarjabiyo cadawgeena iyo cadawga Alle, kuwii Kacbada Alle u duulaan tagay. 

Assad C/Salaam 

muumin2008@gmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: