Advertisements

CIIDAMADA XDS OO LA WAREEGAY SALDHIG AY SHABAAB KU LAHAAYEEN DEEGAANKA YASOOMAN EE G/HIIRAAN.

Ciidamada XDSCiidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM, ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Talis ay hore u lahaayeen Ciidamada Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya oo ku yaalla Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buulo Barde ee gobalka Hiiraan.

Saldhiggan ayaa ahaa, goobtii ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka soo qorsheeyeen Weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen tuulada Halgan, halkaas oo lagu dilay 120 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Labo Xidigle Muuse Xasan Garaad oo ka mid ah Saraakiisha Hoggamineysa Ciidamada Howlgalka Sameeyay, ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Saldhiggan uu yahay mid Istiraatiiji ah, Iskuoo isku xira Magaalooyinka Halgan, Buulo Burde iyo Maxaas, islamarkaana aysan wax iska caabbin ah kala kulmin Maleeshiyaadkii ku sugnaa Halkaasi oo isaga baxay ka hor inta aysan ciidamada Gaarin deegaankaasi.

“si looga hortago weerarrada ay ku talagaleen kooxaha Argagixisada, Bisha Cibaadada ee Alle uu Xarrimay daadinta dhiigga Muslimiinta, ayaan qaadnay Guluf Colaadeed oo ka dhan ah, waxaana ciidamadu ay si nabad ah kula wareegeen deegaanka Yasooman oo Saldhig weyn u ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee gobalka Hiiraan, waana halkii ay kasoo abaabuleen weerarkii Halgan”. Ayuu Yiri Muuse Afweyne.

Yasooman, ayaa Talis Ciidan u ahaa Xoogga Dalka Soomaaliya, waxa uu hoosta uga jiraa  Buur Weyn oo aad istiraatiiji ugu ah ciidamada islamarkaana u dhaxeysa Magaalooyinka Maxaas, Halgan iyo Buulo Burde ee gobalka Hiiraan.

SomaliSwiss            Muqdishp

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: