Advertisements

Roobab mahiigaan ah oo shalay galab ka da’ay magaalada Hargeysa ee Gobollada Wooyi Soomaaliya oo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Roob.jpg1Roobab mahiigaan ah oo shalay galab Isniintii ka hooray magaalada Hargeysa ee ee Gobollada Wooyi Soomaaliya ayaa geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Roob.jpg3Waratka  naga soo gaaraaya ayaa sheegaya in Shan Ruux ay ku Geeriyooday, Labaatan kalena Way ku Dhaawacmeen Roobab Dabaylo Wata oo shalay makhribkii ka Da’ay Magaaalada Hargeysa iyo Hareeraheeda.

Roobkaan ayaa dhaliyay Khasaare Naf iyo Maalba leh, Waxaanu Dumiyey Guryo badan, Dugsiyo waxbarasho iyo jidad badan oo uu xanibay oo ay ku soo dhaceen dhir iyo biraha Laydhka, waxa kale oo jidadkii xanibay dhagxaan waaweyn iyo camuud badan, kuwaas oo Xalay ay ka Shaqaynayeen Dowladda Hoose ee Magaalada Hargeysa oo uu Hor-kacayay Maayarka Caasimadda C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko.

Roob.jpg4Dhanka kale, Madaxweynaha Maamul Gobolkaas oo ay Weheliyaan wasiiro, taliyaha booliska, ciidanka Dab-Damiska iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, ayaa Saakay soo Kormeeray Goobihii kala duwanaa ee Dhibaatada ugu Darani ku dhacday Xalay markii Roobabka Dabaylo Wataahi ku dhufteen Magaalada Hargeysa.

Meelaha uu kormeeray maanta madaxweynuhu waxa ka mid ah Bakhaarada WFP, Dugsiga sare ee Nile Academy, ama Dugsigii hore ee Xalane, Saylada Xoolaha, Xaafadda Goljano iyo dugsiga Axmed Dhagax ee degmada Ibraahim Koodbuur, goobahaasi oo uu qaybo ka mida dumiyey roobku, ahna goobaha dadka dhintay iyo dadka dhaawaca ahi u badnaayeen, madaxweynuhu waxa uu Halkaas Warbixin kaga Dhegeystay Duqa Caasimadda Hargeysa, Mas’masuuliyiinta iyo Qoysaskii Raxmaadku Waxyeelleeyeen.

Roob.jpg2Kormeerkaas kaddib, Waxaa saxaafadda la hadlay duqa caasimada Hargeysa iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, waxayna ugu horeyn tacsi u direen eheladii, qoysaskii, dadkii ku dhintay raxmaadkaas, iyagoo u rajeeyey kuwa ku dhaawacmayna caafimaad dhaqso ah.

Waxaa kaloo ay xuseen in Xukuumad ahaan laga Shiri-doono Dhibaatadaan iyo sidii looga Hawlgeli lahaa iyagoo u soo jeediyay Dadweynaha in la is-caawiyo Wixii laysu qaban karo sida loo kala hayn roon yahay gaar ahaan hada oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, xukuumadduna dhinaceeda ay inta Dan-yarta ah hoos u eegi doonto.

Roob.jpg5.jpgDhinaca kale, Xalay Guud ahaan Magaalada ayuu laydhku ka bakhtiisanaa, waxaana xalay la arkayey Hoteelada qaarkood oo Gaadiid Afka loo galiyay si Nalka Gaadiidka dadku wax ugu cunaan ama ugu casheeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Roobkii Xalay da’ay, ayaa noqonaya kii ugu Waxyeellada badnaa ee muddo dheer kaddib ka da’a magaalada, iyadoo inta badana guryaha ay soo galeen dad faro badan.

SomaliSwiss         Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: