Advertisements

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud,oo maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyihii hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA).adaxweyne

Madaxweyne Hassan-SheikhMadaxweynae Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyihii hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA), Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare.

Mudane Xasan Sheekh, ayaa maanta  xilka qaadis ku sameeyey taliyaha Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qarankau, asagoo u cuskadey qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya, sidoo kale asagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in is-beddelada lagu sameeyo Hay’addaas .

Waxaa kaloo, isla xeerkaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’ada Nabad-sugidda qaranka (NISA), loogu Magacaabay Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud.

Dhanka kale, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka DF, Jen C/raxmaan Tuur-yare, ayaa waxaa loo magacaabay la-taliyaha Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xeerkan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqan-galayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14-ka bisha Juun ee Sannadkan 2016-ka.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: