Advertisements

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaliyed oo maanta dalka dib ugu so laabtay, kaddib Markii magalada Vienna ee Dalka Austria uga qeyb galay shir muhim ah.

Taliyaha Aslubnta.jpg1Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaliyed Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo maanta dalka dib ugu so laabtay  kaddib safar labo Todobaad qaatay uu ugu maqnaa dalka Austria.

Taliyaha AslubntaTaliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ayaa shirar dhowr ah uga qeyb galay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Vienna “VIC” Dalka Austria.

Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magalada Vienna ee Dalka Austria uga qeyb galay shir soconaya 3 cisho, kaasoo loogaga hadlayay arrimo badan oo ay kamid tahay ka hortagga dambiyada, horumarinta nolosha iyo mustaqbalka.

S/Gaas Bashiir Goobe aya waxoo kaloo kulamo gaar gaar ah la qaatay mas’uuliyiin ka socday Dowladaha Shirka kasoo qeyb galay, waxa uuna kala hadlay sidii ay iskaashi buuxda ay uyeelan lahaayen dhanka Ciidanka Asluubta iyo Horumarinta Nolosha Maxaabista.

Taliyaha marku shirka soo gabo gaboobay waxa uu kulamo la  qaatay  Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Austria, iyadoo Taliyaha arrimaha ugu weyn uu kala hadlay uu ka mid ahaa sidii gacan weyn ay uga geysan lahaayen  dib u dhiska dhamaan xarumaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee bur bursan.

SomaliSwiss               Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: