Advertisements

Qoysas Dan-yar ah oo ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.oo maanta la Gaarsiiyay Deeq ka timid Maamulka Gobolka Banaadir.

Gobolka BanaadirDeeq ka timid Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa markii ugu Horreysay la Gaarsiiyay Qoysas Dan-yar ah oo ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xogyahay maamulka gobolka Banaadir Max’ed Amiin Sheekh Cilmi oo gargaarka u qeybiyay dadka danyarta ah, ayaa sheegay in lacag dhan [120 Milyan sh Soomaali ah] ugu tala-galay maamulka in ay ku caawiyaan dadkii ay saameynta ku yeellatay fatahaada ee ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, wuxuu xusay in lacagtu ay ka timid gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ujeedada laga leeyahay tahay iska warqabka maamulada gobollada iyo inay mar walba iska gacan siiyaan marka ay dhibaatooyinkan oo kale jiraan.

Deeqda lacageed ayaa waxaa ka faa’ideystay in ka badan 200 oo ruux kuwaasoo ka mahad celiyay gargaarka loo qeybiyay.

Duqa Degmada Beledweyne Cumar Aadan Deeqoow ayaa ka mahad celiyay gargaarkan ay u soo direen maamulka gobolka dadka wax yeelladu ka soo gaartay fatahaada.

Ugu danbeyntii, deeqdan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee maamuka gobolka Banaadir uga qeyb-qaataan siddii loo caawin lahaa qoysaskii saameynta ay ku yeelatay Fatahaaddii dhawaan ku dhuftay Beledweyne.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: