Advertisements

Wargelin iyo Ogeysiis Muhim ah oo ku socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zurich ee Dalka Switzerland.

Logo VereinGuddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich wuxuu Soomaalida ku wargelinaa lana socodsiinayaa in la qaban doono Shirweynihii Kulanka Xubnaha guud ee Jaaliyadda Kanton Zürich (Kongress für Somalisches Verein des Kanton Zürich).

Shireynuhu waxaa la qaban doonaa Taariikhda markey tahay 14ka bisha Maars 2017, Saacadda Markey tahay 14.00 Galabnimo.

Sidoo kale Guddigu wuxuu Jaaliyadda La soconsiinaynaa in dib loo soo sheegi doono goobta lagu qaban doono iyo Habmaamuuska Nidaamka Shirweynaha.

Haddaba Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed Konton Zürich waxay Xubnaha Jaaliyadda ku wargelinaysaa inaysan jiri doonin  Nidaamkii is-barbaryaaca iyo fowdada ku dhisanaa, sidaas darteed  Guddigu iyagoo ka duulaya, kana dhabaynaya sida ku qoran Dastuurkii ay Soomaalida Kanton Zürich isku Afgarteen Shirweynihii ugu horreeyey ee lagu As-aasay Jaaliyaddan Taariikhda markey ahayd 24/02/2008dii.

Ugu danbeyntii Guddiga Fulinta Jaaliyaddu, waxay ka codsanaysaa Soomaalidu inay dib u akhristaan guud ahaan DASTUURKA, gaar ahaan Qodobadda 7aad, 8aad, 9aad, 10aad iyo 11aad, si looga baxo Nidaam-darrada, loona hela Maamul hufan oo Caddaalad ku dhisan.

Sidaas iyo Warsan

Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed

                ee Kanton Zürich

SomaliSwiss    Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: