Advertisements

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia oo maanta u Codeeyey qaar ka mid ah Sharciyadii yaallay Baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Xildhibaanno.jpg8kulankii 16-aad  ee Kalfadhiga sideedaad ee Baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa soo Xaadireen Xildhibaano ay tiradoodu gaaraya 149, waxaana loo codeeyay qayb ahaan sharciyo Maalmihii ugu danbeeyay hore yaallay baarlamaanka dalka.

Sharciyadda loo codeeyay waxaa ka mid ahaa sharciga dhismaha maxkamadda Dastuuriga oo helay codad gaaraya 147-xildhibaan, halka labo mudane ay ka aamuseen, mana jirin cid diidday.

Isla kulanka Baarlamaanka ayaa lagu meel mariyay  qodobka tobonaad kaasi oo ka hadlaya mudada xilheynta gudiga adeega garsoorka iyadooda ay codkooda siiyeen Qodobkaas 148 xildhibaan, halka uu xildhibaan ka aamusay,waxa natiijooyinka codeyntaasi ku dhawaaqay  Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Sidoo kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, waxay bilaabeen habkii cod loogu qaadi lahaa wax ka badalka qodobka 136 ee dastuurka, Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Jawaari ayaa sheegay in howshiisa ay socon doonto illaa laga gaaro kulanka Arbacadda .

Ugu dambeyn, Ma aysan dhicin in dhawr kulan ay Xarunta Golaha Shacabka ay ku qaateen Xildhibaanada baarlamaanka lagu meel mariyo wax ka beddel lagu Sameeyo Qodobka 136 aad ee dastuurka sabab la xiriirta tiradda xildhibaanadda oo kaamil noqon weysay wuxuuna u baahan yahay 184-cod.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: