Advertisements

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Madaxa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (HCR).

Madaxtooyada SomaliaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Madaxa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (HCR), M. Filippo Grandi.

Madaxtooyada Somalia 1Madaxweynaha iyo madaxa HCR ayaa ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo barnaamijka la xiriira dib u soo celintooda, qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yémen, qaxootiga reer Yémen ee Soomaaliya jooga, xaaladda barakaceyaasha iyo tahriibka.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah Ugala wafdiga hadley HCR qaabka ugu habboon ee dib Dalka loogu soo celinayo qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab, iyo socdaalkii uu dhowaan ku tegay Kenya ee la xiriiray arrimaha qaxootiga Soomaalida.

“Waxaan u mahadcelinayaa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee HCR shaqada wanaagsan ee dhinaca taakuleynta qaxootiga Soomaaliyeed. Waxaan HCR iyo beesha caalamka ka codsanayaa Inay gacan weyn ka geystaan dib u soo celinta qaxootiga ku nool waddamada deriska, taakuleynta barakaceyaasha iyo qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yémen ”.

Mr. Filippo Grandi ayaa sheegay en UNCHR ay ka go’an Tahay Inay kaalmo dheeri ah u fidiso qaxootiga ku Sugan xeryaha iyo kuwa Dalka ku soo laabanaya, iyo weliba Laga shaqeeyo diyaarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay u yihiin baahan.

Madaxtooyada Somalia“Soomaaliya waxay ka mi Tahay waddamada muhimadda koowaad u Leh HCR. Xiriirka Labada dhinac waa mi muddo Dheer soo socday. 70-aadkii waxay Soomaaliya martigelisay kumanaan qaxooti ka yimid dalalka deriska ah. Barnaamijka dib u qaxootiga soo celinta Soomaalida ee Kenya ku dhaqan waa mi dan u ah Labada dhinac, Balse waxaa muhiim ah en qaxootiga loo sameeyo adeegyo ka wanaagsan kuwa ay ku haystaan xeryaha qaxootiga ”.

Kulankaasi waxaa Sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr Cabdisalaam Hadliyeh Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Wasiirka Amniga Qaranka, Cabdirisaaq Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo Labada dhinac ka socotey.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: