Advertisements

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Xarakada Al-shabaab ay ku guuldarreysatay Weerarkii ay ku soo qaaday Saldhig ay degenaayeen ciidammada Itoobiya.

Amisom.jpg5Wararka ka imaanayaa Deegaanka Halgan ayaa Sheegaya in Xaaladda ay wali Cakiran, kaddib dagaal dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ku dhax-maray Xoogagga Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo ciidammada Itoobiya ee qeybta ka ah hawl-galka AMISOM.

Ciidamada_QarankaSida lagu soo warramay dagaalkan ayaa ku bilaawday weerar ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidammada Itoobiya ,iyadoo wixii waqtigaa ka dambeeyayna waxaa la maqlayay Hub kala duwan oo ay ka mid ahaayeen madaafiic, qoryaha ku rakiban gadiidka dagaalka iyo weliba garneelada garbaha laga tuuro.

Guddoomiyaha Deegaanka Halgan, Guhaad Cabdi Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in Gadiidka dagaalka Al-shabaab gudaha u soo galeen magaalada, isaga oo intaas ku daray in uu jiro khasaare ballaaran oo soo gaaray kooxihii weerarka soo qaaday.

Waa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo khasaaraha dhinaca kale soo gaaray ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya, laakiin waxaa uu sheegay inuu arkay meydadka 120 ka mid ah Xoogagga Al-shabaab.

Afhayeenka Hawl-galada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abu-muscab oo la hadlay isagana warbaahinta ayaa sheegay inay weerarka ku dileen 43-Askari oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, kaddib markii ay weerar ku qaadeen sidda uu hadalka u dhigay saldhig ay degenaayeen ciidammada Itoobiya.

Weerarkaan oo noqonaya midkii ugu Cuslaa tan iyo markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka, ayaa khasaare ballaaran sidoo kale wuxuu kasoo gaaray madaafiic shacabka ku haleeshay guryihii ay deggenaayeen.

Geerida Lix Ruux oo rayid ah, ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijinayaa inkastoo laga yaabo inay tirada intaa ka sii badato.

Weerar kale ayaa u ekaa mid la mid ah weerarro sidan oo kale horay Xarakada Al-shabaab uga geysteen deegaanada Leego & Ceel-cadde ee Gobollada Shabeelada Hoose iyo Gedo, oo ay ku dileen tiro badan oo ka mid ah ciidammada AMISOM.

Dhinaca kale, Wasiirrada Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha Somalia oo Wadajir Shir Jaraa’id u Qabtay, kaddib Weerarkii Khasaaraha Al-shabaab ay ku Qaaday Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa ka warbixiyay siday wax u dhaceen iyo Sidoo kale khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.

C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Wasiirka Amniga Somalia, ayaa sheegay weerarkii saakay ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay ciidamada AMISOM ka joogeen deegaankaas uu noqday mid Fashilmay oo jab Xooggan uu ka soo gaaray Kooxda Al-shabaab, wuxuuna Tilmaamay in qorshuhu ahaa sidii ay dhibaato Xoog leh Gaarsiiyaan Ciidamada AMISOM, Laakiin ay Ciidamadu u Diyaar-sanaayeen ka hor-tagidda Weerarada Cadowga.

Sidoo kale, Wasiirka difaaca Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa isagana sheegay in weerarkii saaka lagu dilay in ka badan 120-dagaalyahan oo Al-shabaab ka mid ahaa, lagana Qabsaday Hubkii ay wateen oo isugu jiray Qoryaha fudud iyo kuwa daran-dooriga u dhaca.

Si kasta arrintu ha ahaatee Wasiirka ayaa xusay dagaalkii saaka dhacay oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Dowladda Somalia ee Deegaanka Fariisinta ku leh in Kooxaha Nabadda diidan Khasaarihii ugu ballaarnaa Muddooyinkan uu kasoo gaaray, isla markaana Ciidamada Xoogga Somalia ay sii xoojin doonaan bishan barakeysan ee Ramadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: