Advertisements

Ciidamada Boliiska qaybta gobolka banaadir iyo ciidamo si gaarka ah u tababar oo habeenimadii xalay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo kasameeyey isgosyada magaalada Muqdisho.

Booliska Banaadir1.jpg1Ciidamada boliiska qaybta gobolka banaadir iyo ciidamada sida gaarka u tababar ee RRT boliiska  ayaa habeenimadii xalay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo kasameeyey isgosyada magaalada Muqdisho, taasi loogu talagalay in bulshada caasimadda si nabad galyo ah ku soomaan .

Booliska Banaadir1.jpg3Ciidamada ayaa gawaarida yar yar waydiinaaye wax aqoonsi ah in haystaan   kadibna sii daynayeen , walow gawaarida BL-ka  iyo Mootada Bajaajka dadka saaran ciidanka dajinayeen si baaritaano u maraan kadibna ku noqonayeen  halkii markii hore kasoo dageen .

Baaritaankaan ayaa ka duwanaa baaritaanadii hore  madaama ciidamada hore u baarijireen kaliya gawaarida yar yar  balse xalay ayaa la arkaye ciidamada oo baaraya, misna aqoonsi waydiinaya gawaarida Soomaalida u taqaan Qooqanta ciidamo saran .

Inta howl-galka socday ayaa ciidamada waxa gawaarida wateen ka dajiyeen  shaqsiyaad ka shakiyeen bal in katirsan yihiin kooxaha amaanka kasoo horjeeda baaritaan kadib siidaayen kadib markii la aqoonsaday .

Taliyaha qaybta booliska gobolka banaadir Gashaanle Sarre Bishaar Abshir GeeDdi oo u waramaaye Warbaahinta ayaa sheegay in arintaan qayb katahay sarre uqaadida aMmaanka caasimadDa.

Booliska Banaadir1.jpg2“Runtii caawa waxaan howlgallo kasameynay Caasimadda Soomaaliya Muqdisho,  Qaybo ka mid ah oo lagu sugayo arRimaha amniga gobolka banaadir,  Howshaasi waxaa ka qayb qaatay ciidamada booliska qaybta guud iyo ciidanka sida gaarka ah  u tababaran ee loo yaqaan RRT  oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed, howlgalkaasi waxa bilowday habeenkii ugu horeysay Ramadan , si  is daba joog ah ayuu u soconayaa baaritaanka, iyadoo lagu xaqiijinayo amniga gobolka ilaa 30 bisha Ramadan soconayaa, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu soomaan uguna afuraan soonka uguna ciidan amni buuxda iyagoo haysta” ayuu yiri taliyaha qaybta booliska gobolka banaadir gashanle sarre  bishaar abshir geedi.Taliyaha qaybta ayaa ka cosaday  bulshada gobolka banaadir  in nabada u istaagaan ,ciidamada booliskana la shaqeeyaan , taasi keeni karta in kuwa nabada kasoo horjeeda in ku hungoobaan ficilada xun sameynayaan ,  booliskana waxa u taagan yahay sarre u qaadida ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayna soo laaban doonto nabadgalyada iyo kala dambeenta caasimada dalka .

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: