Advertisements

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan dhadhaab.jpg1Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta   gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, waqxaana Madaxweynuhu garoonka diyaaradaha  ku qaabilay wasiirka arimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye, safiirka  Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xassan,  xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo madax kale oo badan oo goor hore oo saaka ah tagay xeryahaasi Dhadhaab si ay madaxweynaha halkaasi ugu soo dhaweeyaan.

Madaxweyne Xasan dhadhaabMadaxweynaha ayaa ka bilaabay booqashadiisa xerada IFO 2 oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab halkaas oo uu kula kulmay madaxda qaxootiga xeryaha Dhadhaab.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu sidoo kale booqday Hillaac Primary School halkaas oo arday badan ay kusoo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa halkaas khdubad ka jeediyay. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa arimo badan oo khuseeya qaxootiga uga hadlay khudbadiisa. ‘Qaxootiga si arxan darro ah meel laisagama tuuri doono balse hadii la celinaayo si nidaamsan ayaa loo celin doonaa’ Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidaa yiri.

Madaxweyne Xasan dhadhaab.jpg2Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa kunool boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo kasoo cararay colaada Soomaaliya 25kii sano ee lasoo dhaafay.

Waa markii ugu horeysay madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo xeryaha Dhadhaab mudadii ay jirtay, waxaana halkaas ku nool dad Soomaali ah oo aad u badan oo muddo rubuc qarni ka badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu sidoo kale booqasho ku tago caasimada Nairobi ee Kenya halkaas oo uu madaxda Kenya kala hadli doono arimaha qaxootiga Soomaalida.

SomaliSwiss     Dhadhaab

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: