Advertisements

Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay qalab iyo shidaal si sharci darro ah lagu kala iibsanayay

Qalab la qabtay.jpgQalabkan isugu jiray  Shidaal ,qalabka  difaaca lagu sameeyo,  qalabka loogu talagay dayactirka gawaarida iyo teleefanada loo adeegsado qaraxyadda oo  garaash ku yaala dhabarka dambe wakaaladda biyaha ee iskooska  Banaadir oo la sheegay in ay ku kala iibsanayeen askar ka tirsan ciidanka AMSIOM iyo dad Soomaali ah ayaa  waxaa gacanta maanta ku soo dhigay ciidamo ka tirsan  Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boolisk Somaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka booliska ay ku guuleysteen dabo gal dheer kadib ina gacanta ku dhigaan garaashka qalabka lagu kala iibsanayay.

“Alaabtan waxay isku jirtaa shidaal iyo booyad  lagu shubo shidal qalabka difaaca lagu sameeyo, waxaa ku jiray isbeer baartis  loo loogu tagalay in lagu dayactiro baarbuurtooda lakiin waxaa la rabay in la geliyo gacmo xun balse laga hortagay”ayuu yiri Taliyaha booliska.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir  ayaa sheegay dadka loo hesyo  eedayntaasi  la horkeeni doona sharciga, isagoo ciidanka ku booriyay sida ay xogta u heleen iyo howsha ay ku guuleysteen.

Wasiirka Amniag Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in garaashkan lagu iibanayay qalabka loogu talagalay AMSIOM si loogu qalqaliyo amniga ka jira magaalada Muqdisho. isagoo u mahadceliayay ciidanka fuliyay howgalka.

“AMSIOM oo dhan in ay ku lug laayaheen ma aamisnai balse cidii lugta ku lahayd gacanta ayaa lagu hayaa, dambiilayaashii Soomaalidii lugta ku lahaydna in la hayo, shaarciga ayaa la marin doonaa, waxana suurta gal ah amni darada ka jirta in ay qeyb ka aheen waxaana jacelnahay inaan u mahadceliyo ciidamada booliska, danbi baaritsa iyo AMSIOM oo ayadana qeyb ka ahayd howlgalka iyo xafiiska xeer ilaalinta” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

SomaliSwiss       Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: