Advertisements

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Turkiga Mr. Erdogan oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Somalia iyo Turkiya.jpg5Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Turkiga, Recap Tayyip Erdogan, iyadoo amniga guud ee Waddooyinka gala Garoonka Diyaaradaha Muqdisho aad loo adkeeyay.

Somalia iyo Turkiya.jpg4Haween ku labisan Calanka Somalia ayaa ku sugnaa Waddada Garoonka iyo Midda Aadda Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo watay caleemo-qoyan si ay wafdiga u soo dhaweeyaan.

Madaxweynaha Turkiga iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, iyadoo socdaalkiisan oo ah middiisii saddexaad oo uu Muqdisho ku yimaado; isagoo Xarigga kaga jaraya Dhismaha Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo dhismaha ugu weyn caalamka ka dhisatay Muqdisho.

Xarig-jarka kaddib ayaa lagu wadaa in Erdogan uu kulammo kala duwan la yeesho Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Somalia, waxaana la sheegayaa in booqashadan ay tahay mid maalin keliya ah oo isla maanta uu ka dhoofayo Muqdisho.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Socdaalka Erdogan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta Kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Maal-gashiga, Dhaqaalaha, Culuunta Sayniska, Waxbarashada, Tiknoloojiyadda iyo arrimo kale.

Somalia iyo Turkiya.jpg7Mudane Xasan Sheekh, ayaa dhiggiisa Turkiga uga mahad-celiyay sida Qiimaha iyo Sharafta leh ee Shacabka iyo Xukuumadda Turkiga u Garab-taagan yihiin Somalia, isla markaana Xiriirka Cusub ee Turkiga iyo Somalia uu indhaha Caalamka kusoo jeediyay Xaaladda Soomaaliya iyo in wax laga qabto.

Sidoo kale, Erdogan ayaa isagana sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siinayo Somalia, isla markaana ay ka Go’an tahay Xaqiijinta Somalia oo cagaheeda dib isku taagta.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa Maanta booqasho Maalin ahayd ku yimid Muqdisho, iyadoo isaga iyo Wafdigiisa ay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyeen Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, Marwadiisa, Qamar Cali Cumar iyo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii, Wafdiga Madaxweyne Erdogan – ayaa Gellinkii dambe ee maanta dib uga Ambabaxay Muqdisho, waxaana sii sagootiyeen Madaxweyne Xasan iyo Xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

 SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: