Advertisements

Dowladda Somalia oo sheegtay in la soo gabagabeeyey weerarkii ay ku soo qaadeen maleeshiyada Al-shabaab Hotel Ambassador Muqdisho.

Hotel AmbasadorDowladda Somalia ayaa sheegtay in la soo gabagabeeyey weerarkii ay ku soo qaadeen maleeshiyada Al-shabaab, waxaana masuuliyiin ka tirsan dowlada oo gaaray goobta ay faafaahin ka bixiyeen qasaaraha weerarkaasi iyo sida ciidamada amaanka ay uga hortageen dhagarta Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa gudaha Hotelka warbaahinta ugu sheegay in ciidamada amaanku ay yareeyeen qasaaraha maadaama ay mid mid u toogteen dhagar qabayaasha weerarka soo qaaday.
Taliyaha NISA C/raxmaan Tuuryare ayaa sheegay in ciidamada NISA ay toogteen sadexdii dhagar qabe ee weerarka soo qaaday, islamarkaana ay mar walba ciidamadu u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan qorshaha Al-shabaab.

Sidoo kale Wasiirka wasaarada Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa isna tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo la dagaalanka cadowga umada Soomaaliyeed oo mar walba ku howlan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn maadaama ay jireen dad kale oo dhaawacyo qaba oo ciidanku subaxnimadii hore ee saakay ay kasoo saareen gudaha Hotelka.

Hotel Ambassador oo ay shalay weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab, waxaana weerarkaa ku dhintay 15-qof oo ay ku jiraan xildhibaan oo baarlamanka Somalia, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 50-qof oo kale.

Tan iyo xalay waxaa hoteelkaas ka dhacayay rasaas goos-goos ah, iyadoo haatan ay gudaha hoteelkaas oo dhan ku sugan yihiin ciidamada dowladda, laakiinse weli kama aysan hadlin Dowladda Somalia inta uu le’eg yaha khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaan, waxayna kusoo beegeen iyadoo shalay ay Dowladda Somalia sheegtay inay dileen Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Sare ee Al-shabaab.

Ha yeeshee  weerarkan ayaa waxaa ku geeriyoodeen laba Xildhibaan, waxayna kala yihiin; Maxamed Maxamuud Guure iyo C/llaahi Jaamac oo isku meel lagu dilay, Waxaana sidoo kale dadka geeriyooday ka mid ah saddex ka tirsanaa ilaaladii Hoteelka.

Dhaawacyada ayaa ayaa la sheegay inay kor u dhaafaya 50-qof, kuwaas oo intooda badan la geeyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho iyadoo agaasimaha Isbitaal Madiina Dr. Maxamed Yuusuf uu sheegay in Dhaawacyo badan lasoo Gaarsiiyay, ayna Qaarkood ku sameeyeen Qalliinno kala duwan.

Si kasta ha ahaatee Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana weli Gudaha Hoteelka ku jira Xoogag ka tirsan Al-shabaab, Inkastoo ay kula jiraan Ciidammo Dowladda Somalia ka tirsan, kuwaasoo la dagaalamaya kooxaha hubeysan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

Advertisements
%d bloggers like this: