Advertisements

Shirkii horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya oo maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho.

W. kalluumeysigaShirkii horumarinta kalluumeysiga ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka uga socday Muqdisho ayaa maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho.

Kalluumeysiga.jpg1Shirka oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa looga hadlay horumarinta kalluumeysiga iyo dhismaha hey’adda ay ku mideysanyihiin kalluumeysatada kheyraadka badda.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda  Maxamed Cumar Cameey ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay fahamtay faa’iidada kaluunka ayna wasaaraddu ka shaqeyn doonto horumarinta kalluumeysatada.

Kalluumeysiga“Bulshada Soomaaliyed wa ay fahantay faa’idada kallunka waxaan ka shaqeynayaa sidii ay 3 maalin loo cuni lahaa kallunka  3 malinna loo cuni lahaa hilibka waagi dowlada dhxe ii kale “ ayuu yiri wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: