Advertisements

Shirka Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha Qaranka oo galay maalintiisii labaad, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda iyo ammaanka !!!!!!

shirka Madasha.jpg4Shirka Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira oo galay maalintii labaad ayaa maanta diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadda iyo ammaanka…..

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Daa’uud Aweys ayaa sheegay in shirka diirada lagu saarayo hadba mowduuca muhiimka u ah doorashada dadban ee sanadkan 2016-ka iyo dhaqan gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho.

Afhayeenka ayaa xusay in shirka lagu wado in gabo gabadiisa laga soo saaro warmurtiyeed ku qotoma waxyaabaha lagu gorfeeyay, waxaana uu intaa raaciyay in ajandayaasha ugu muhiimsan diiradda lagu saarayo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: