Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka.

shirka Madasha.jpg1Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

shirka Madasha.jpg4.jpgShirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Dhanka siyaasadda waxaa shirkan uu ka doodi doonaa arrimaha doorashada 2016-ka iyo dhaqan-gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho iyo arrimaha kale ee ku xeeran.

shirka MadashaSidoo kale waxaa madaxda ay ka doodi doonaan Barnaamijka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirkan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland

shirka Madasha.jpg2shirka Madasha.jpg3SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: