Advertisements

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo dalka Denmark uga qeyb galay kulan looga hadlayay doorashada dadban ee Soomaaliya.

Ra'iisal-wasaare CarteWafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa dalka Denmark uga qeyb galay kulan looga hadlayay doorashada dadban ee Soomaaliya, oo la filayo in sanadkan ay ka dhacdo guud ahaan Soomaaliya.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Denmark, xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Denmark iyo xubno kale, waxaana kulanka diiradda lagu saaray doorashada dadban ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo shirka hadal ka jeediyay ayaa ugu horeyn sheegay in sanadkan ay Soomaaliya ku jirto sanad doorasho, isla markaana horumar dhinaca amniga, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo tan beni’aadanimada ay xilligan Soomaaliya ku tallaabsatay.

Mudane Carte oo khudbad ka jeediyay Machadka Caalamiga ah ee Danish-ka Eigiveds Pakhus ayaa tilmaamay in madaxda dowladda ay kulamo gaar gaar ah la qaateen deeq bixiyeyaasha caalamka oo ay isla meel dhigeen hanaanka doorashada dadban ee Soomaaliya ka dhaceysa, isla markaana ay dowladda ku rajo weyntahay in doorashada ay si hagaagsan u dhacdo, lana qorsheynayo sidii tan xigta ee sanadka 2020 ee ah hal qof iyo hal cod u dhici lahayd.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka waxa uu soo hadal qaaday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihin horumarka dalka, isagoo xusay in dowladdu ay sameysay wacyi gelin fara badan oo lagu hakaninayo qul qulka dhalinta Soomaaliyeed ee badaha ku dhimanaya, isla markaana la diyaariyay qorshe siyaasadeed oo looga hortegayo dhalinta la marin habaabinayo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladda ay qabatay shirar looga hadlayay sidii loo sameyn lahaa qorshe ay ku wada shaqeeyaan ciidamada booliska ee heer Federaal iyo Heer dawlad goboleed, si loo cadeeyo doorka hay’adkasta ay ku leedahay xaqiijinta amniga, waxaana uu intaa raaciyay in sidoo kale la sameeyay wada tashiyo ku aadan siyaasadda Amniga Qaranka oo uu la yeeshay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, kuwaasi oo ay isla meel dhigeen qodobo muhiim ah.

“Waxka yar 90 cisho ayaa inooga harsan doorashada dadban ee Soomaaliya, runtii waxaan ku casuunay inay goob joogayaal ka ahaadaan wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya u jooga, si doorashada ay u noqoto mid xor iyo xalaalba ah, isla markaana ay Soomaaliya qaaddo tubta Nabadda iyo xasiloonida”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hadalkiisa ku daray in sanadkan ay Soomaaliya u tahay sanad doorasho.

Dhan kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiiru-dowlaha dhinaca horumarinta u qaabilsan Denmark Martin Bille oo kulan qado ah ay wada qaateen, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay

SomaliSwiss       Kopenhagen

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: