Advertisements

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka qeybgalay Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo SNTV.

Barnaamijka kulanka.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo SNTV.

Barnaamijka kulanka.jpg1Madaxweynaha ayaa si qota dheer uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan siyaasadda, ammaanka, horumarka iyo doorashooyinka ka dhicidoona dalka sanadkan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga jawaabay su’aalo kala duwan oo dhageystayaasha barnaamijku soo weydiiyeen.

Wuxuu kula dar daarmay madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed iney taageeraan dowladda, islamarkaana u soo jeestaan ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa dhinac kale booqday qeybta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta xilligaas oo uu tababar u socday qaar ka mid ah wariyayaasha ka howlgala warbaahinta Qaranka.

Barnaamijka kulanka.jpg2SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: