Advertisements

Shirkii Istanbul ee Hoggaamiyayaasha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo deeqbixiyayaasha Caalamiga ah oo la soo gabagabeeyey.

Shirka Istanbul.jpg1Hoggaamiyayaasha Caalamka, Qaramada Midoobay, Wakiilada deeqbixiyayaasha iyo hay’adaha gargaarka kuwa caalamiga ah iyo kuwo aan dowliga ahayn, ayaa u fadhiyay shir laba maalmood ah.

Shirka Istanbul.jpg2Ujeeddada Shirkaan ayaa ahayd sidii wax looga badali lahaa nidaamka wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadaminimo ee ka dhasha khilaafyada iyo dagaalada, masiibooyinka dabiiciga ah iyo isbadalka cimilada.

Illaa 60 milyan oo qof, ayaa dunida ku guryo beelay, sababahaas awgood, ilaa 130 milyan oo ka mid ah waa dad u baahan in la caawiyo.

Waxaa la sheegay in lagu Guul-darreystay ilaalinta Sharciga Caalamiga ah ee Arrimaha bini’aadaminimada.

Xoghayaha guud ee QM, ayaa ugu baaqay dowladaha Dunida, ganacsiyada iyo hay’adaha gargaarku in ay go’aansadaan in kala bar ay noqdaan tirada dadka guryahooda ka barakacay marka la gaaro sanadka 2030.

Wuxuu yiri waxaan idinku dhiirigalinayaa in aad xal muddada dheer ah u heshaan qaxootiga iyo barakacayaasha si wadajir ahna loo qaybsado mas’uuliyadda.

Madaxwaynaha Turkiga Tayyib Erdogan, waxaa uu yiri heerka burburka nidaamka bini’aadaminimo ee dunida wuxuu gaaray mid laga naxo.

Dalka Turkiga waxaa ku sugan ilaa 3 million oo qaxooti ah, waxa uuna sheegay in culayskooda lagu daayay dalka Turkiga.

Tirada ugu badan ee qaxooti ah adduunka oo dhan, ayuu sheegay in uu dalkiisu kaligii martigalinayo.

Wuxuu yiri si siman in loo qaybsado ayaan filaynaa. Hadda kadib waa in cid walba ay mas’uuliyad iska saartaa.

Madaxwanaha Bank-ga adduunka, Jim Yong Kim, wuxuu xusay in in ka badan 70 sano diiradda la saarayay horumarinta muddada dhexe iyo tan fog, balse dhibaatada bini’aadaminimo ee dunida ay gaartay heer lagu tilmaamo tii ugu darnayd ilaa dagaalkii labaad ee dunida.

Hadii xeryaha qaxootigu jiraan ilaa labaatan sano in ay arrintu dhaafsiisan tahay jawaab bini’aadaminimo.

Waxaa laga dooday iyadoo shirad gaar gaar ah ay dhinacyada shirka ka socdaan, oo ku saabsan sidii mowqif midaysan looga qaadan lahaa wax ka qabashada xaaladaha bini’aadaminimo ee dunida.

Shirka IstanbulMadaxwaynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya ka mid yahay goobaha dhibaatooyinku ka jiraan, horumarka waxyaabaha hortaagan ay ka mid yihiin kooxaha argagixisada, isagoo xusay in dib u dhiska dalka uu muhiim u yahay waxka qabashada bini’aadaminimada dunida ee sii daciifaysa.

Wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay xawaaladuhu u leeyihiin dalka Soomaaliya.

Dhaqaalaha dalka ayuu sheegay in xawaaladuhu ay kaalin mug leh ka qaataan, oo 40% daqliga dalka soo galo ay yihiin xawaaladaha, ayna ka badan tahay gargaarka dalku ka helo dunida.

30-40% ayuu sheegay in dhaqaalihii dalka ka soo gali jiray uu hoos u dhacay sababo la xiriira bankiyada ganacsi ee dibedda oo xiray akownadoodii.

Madaxwayne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa isaguna ka codsaday madaxda caalamka in gacan laga siiyo sidii loo xiri lahaa xeryaha qaxootiga Dadaab.

Dowladda Somalia ayaa Kenya ugu baaqday in ay ku soo noqoto wadaxaajoodka sadex geesoodka ah ee labada dowladood iyo Qamada Midoobay u socday.

Waxaa la filayaa waxyaabaha ka soo baxaya in ay ka mid noqdaan qaab cusub oo looga jawaabo dhibaatooyinka soo wajaha bini’aadamka, maalgalinta gargaarka oo wax laga badalo iyo in la isku raaco si sidii hore ka duwan in loo daryeelo dadka rayidka ah.

SomaliSwiss        Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: