Advertisements

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo magaalada Istambuul ee dalka Turkiga kula kulmay Duqa magaaladaas.

Istanbul iyo BanaadirGuddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Yuusuf Xusseen Jimcaale (Maddaale) oo ku sugan magaalada Istambuul ee dalka Turkiga ayaa kulan halkaas kula qaatay duqa magaalada Istambuul.

Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen arrimo la xiriira iskaashiga labada magaalo, gaar ahaan sidii Turkigu uu uga qeyb qaadan lahaa dib u dhiska iyo bilic soo celinta caasimadda muqdisho.

kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii labada magaalo ay isaga kaashan lahaayeen dib u soo celinta qoxootiga Soomaalida ee dalka Kenya maaddaama dowladda Kenya ay sheegtay in ay albaabada u laabeyso xeryahaasi oo inka badan 300 oo kun Soomaali u badan ay ku nool yihiin.

Duqa magaalada muqdisho Yuusuf Xusseen Jimcaale Maddaale ayaa iyo dhigiisa Istambuul ayaa kulanka ay maanta wada yeesheen waxa ay isku dhaafsadeen aragtiyo la xiriira kaalinta uu maamulka Istambuul ka gaysan karo horumarinta Caasimadda muqdisho oo hadda ka soo kabaneysa dhibaatooyinkii muddada dheer ay ku soo jirtay.

SomaliSwiss       Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: