Advertisements

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo maanta u boqoolay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiya.

Madaxweyne Xasan  Dib MuqdishoWafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud oo maanta u boqoolay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono shir caalamiga ah oo looga hadlayo arrimaha Bani’damka kaa maanta oo Isniin ah ka furmaya mgaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkaasi oo socon doono muddo laba maalin waxaa ka qeyb galayaa wufuud caalami ah iyo in ka badan 70 Madaxweyne iyo R/wasaarayaal ka kala socoda iyo waliba 6000 aqoonyahaano ,waana markii ugu horeysay shirweyne noocan ah oo ay Dowlada Turkiga Martigeliso.

Shirweynahan Caalamiga ah oo uu soo qabanqaabiyay Xoghaya Guud ee Qaraamada Midoobay Ban Ki Mon waxa uu qeyb ka yahay dadaalada Qaraamada midoobay ee ku wajahan la tacaalida arrimaha dadyowga dalalka caalamka iyo ka hortaga musiibooyinka.

Qodobada looga hadlayo Shirweynaha waxaa ka mid yihiin sidii loola tacaali lahaa arrimaha barakacyaal gaaraya 600 milyan qof oo dunida ku farirsan kuwasoo degaanadooda uga barakacayeen dagaalo, iyo isbedelka cimilada aduunka .

In ka badan 6000 qof oo qeybo kala duwan ka socoda sida hay’adaha gargaarka bixiya ayaa waxa ay ka qeyb galayaan shirkan Isniinta ka furmayo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Caalamku Ayaa waxa u xiligan marayaa mushkiladii ugu xumeyd ee adanimo kadib dagalkii labad ee aduunka iyadoo iminka sida uu sheegay dad gaaraya 130 milyan qof ay gaargaar deg u baahan yihiin, sidaa darteedna waxaa Dowladaha aduunka loogu loo baahan yahay in ay ku fikiraan sidii dadkaasi looga samatabixin lahaa dhibaatadasi soo food saartay”Sida laga warqabo 2.7 milyan Suuriyaan ah ayaa waxa ay haatan ku sugan yihiin dalka Turkiga kuwaasi oo ka cararay dagaalka Suuriya ka socoda, Waxayna ku haminayaan inay Turkiga uga sii gudbaan wadamada Yurub.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Madax sare oo ka tirsan labada Gole ee Dowlada.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: