Advertisements

Ciidamada Amaanka Somalia oo maanta ku dhaawacmay qarax ka dhacay Isgoyska Kaaso-bololaare ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho.jpg2Ciidamada Amaanka Somalia  ayaa maanta ku dhaawacmay qarax ka dhacay Isgoyska Kaaso-bololaare ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmax Afar ruux oo laba ka mid ah ay ka tirsan yihiin Ciidamada Amaanka Dowladda Somalia.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaraxan ay ku dhaawacmeen laba askari iyo laba Qof oo ka mid ahaa Shacabkii halkaas ku gunaa.

“Qaraxan khasaare culus ma geysan, balse waxaa ku dhaawacmay afar qof oo laba ka mid ah ay Askar yihiin, Halka labada kalena ay ahaayeen Shacab,” ayuu Afhayeenka u sheegay Warbaahinta.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in Qaraxan uu ahaa mid lagu aasay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka, Waxaana mas’uuliyadda qaraxaan sheegatay Al-shabaab.

Dhanka Kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay qaraxaas ciidamada Ammaanka ee Dowladda ugu geysteen khasaare xooggan, inkastoo aysan sheegin inta uu khasaarahaas le’eg yahay.

Ugu dambeyn, Ciidamada Ammaanka Dowladda Somalia, ayaa waxaa Baro-koontarool oo dhawr ah ku leh Is-goyska KPP ee Degmada Hodan, iyadoo Qaraxaan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo ka dhaca baro ay ciidamada Dowladda Somalia kaga sugan yihiin Muqdisho.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: