Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, oo maanta Dhagax-dhigay Qaybtii labaad dhismaha Isbitaalka Sheikh Zayed.

Madaxweyne Xasan Sheekh DhagaxMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta Dhagax-dhigay Qaybtii labaad dhismaha Isbitaal loogu magac-daray Sheikh Zayed, kaasoo oo magaalada Muqdisho ku lana sheegay in ballaarinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Dhagax.jpg1Mashruucaan uu maanta Madaxweyne Xasan Dhagax dhigay, ayaa waxaa Maal-gelinaysa Dowladda Imaaraadka Carabta. Iyadoo Madaxweynuhu uu ku Ammaanay Xukuumadda Imaaraadka Carabata kaalinta ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee Somalia.

“Walaalaheen Imaaraadka Carabta waxay mar kale inoo muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ina Garab-istaagaan. Mashruucan waa mid Wax-tar u yeelan doona Bulshada Somalia ku nool oo dhan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dabmeyn, Dhagax-dhiga waxaa kaloo ka Qayb-galay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al-Othman, Dublamaasiyiinta Waddamada Shisheeye ee ku sugan waddanka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Dhagax.jpg2Madaxweyne Xasan Sheekh DhagaxSomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: