Advertisements

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho,kulana la yeeshay madaxda Soomaalida.

Xubno QM.jpg1Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha, ku xogeenkiisa  iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Xubno QM.jpg2Ujeedada imaanshaha golaha ammaanka ayaa la xiriirta sidii loo dardargelin lahaa qorshaha doorashooyinka dadban ee sanadkan lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka tagay kulanka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha uu xildhibaanada ka codsaday in ay dedejiyaan ansixinta hanaanka doorashada dalka oo golaha shacabka ay gacanta ku hayaan.

Wararka xarunta golaha shacabka imaanaya ayaa sheegaya in ilaa 60 mudane ay is qoreen kuwaas oo doonaya in ay fikirkooda ka dhiibtaan sharciga suurtagelinta doorashada dadban ee dalka.

Xubnahan ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho, waxayna kulammo la leeyihiin madaxda Sare ee Dowladda FS; Sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlmaanka iyo Sidoo kale, Madaxda Maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Xubnaha ka socda Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa illaa 11-xubnood, kuwaasoo marka ay kulammada u dhammaadaan ka ambabixi doona Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay tagaan dalalka Masar iyo Kenya.

Sidoo kale, Xubnahan QM ka Socda – ayaa waxay kulamada ay la leeyihiin Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul-goboleedyada kala hadlayaan Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacdo daba-yaaqada Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Waddooyinka qaarkood ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo inta ay xubnahan ku sugan yihiin Muqdisho filayo inay sidoo kale la kulmi doonaan xubno ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Dhanka kale, Booqashada Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ay Somalia ku yimaadaan, iyagoo safarkii midkaan ka hor-reeyay ku yimid Muqdisho 13-kii Ogoosto, Sannadkii 2014-kii.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: