Advertisements

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeyb ka qaataan dhismaha Saldhigyada Booliska.

Saldhig BooliisSaldhigyo booliis ee ku yaalla Degmooyinka Muqdisho waxaa lagala socdaa Amniga Degmada waxayna ka mid yihiin xarumaha gaarka u ah degmadda marka laga yimaado xarunta degmada,Xarunta hooyada iyo dhalaanka iyo dugsiyada dowlada.

Saldhigyadaasi ayaa muddo dhisan waxaana qeyb ahaan saameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay wadanka soomaaliya, qeyb ahaan saldhigyadu waxa ay heleen dayactir aanan sidaasi u weyn. In kastoo ay jiraan kuwa uu wali ka muuqdo burbur si ay u helaan dayar tir iyo dib u dhis ayaa baaq loo jeediyay ganacsatada soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.ayaa ganacsatadda soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeyb ka qaataan dhismaha iyo dayactirka saldhigyada booliska ee ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir waxa uu yiri “ Saldhigyadda waxa ay qeyb ka qaataan Amniga magaalada waa muhiim in ganacsatada heysata dhaqaalaha ay kaalin ka qaataan dhismaha saldhiyada degmo kasto ay ku nool yihiin.

Sidoo kale waxa uu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ‘shacabka soomaaliyeed waa in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidanka iyaga oo fiirinayo shaqada adag ay hayaan, ku xurmey askariga shaqadiisa sababtoo ah adiga oo jiifa ayuu soo jeedaa ,askartana waa in ah si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ay amnigooda ilaalinayaan una dhimriyaan.

Dhismaha iyo dayactirka Saldhiyada muqdisho waxa ay faa’iido uleeyihiin amniga dadka iyo  dalka soomaaliya waa hubaal haddii ay dadku xoog wadajir ah galiyaan dhismaha xarumaha muhiimka u ah dalka in lagu guuleysan doono dib u dhiska dalka.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: