Advertisements

Hoggaamiyeyaasha Soomaalida oo ku heshiin waayey khilaaf ka dhashay Wax-ka-bedelkii lagu sameeyay Hanaanka Doorashooyinka Somalia.

Madaxda Dalka.jpg2Waxaa maanta magaalada Muqdisho isugu yimid Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiinta maamul Goboleedyada si ay  uga wadahadlaan khilaaf ka dhashay Wax-ka-bedel lagu sameeyay hanaanka doorashooyinka Somalia ee ay ku Heshiiyeen Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, ayaa Waxaa soo dhex-galay Beesha Caalamka, si xal loogu helo khliaafkan.

Muqdisho ayaa waxaa tan iyo Isniintii lasoo dhaafay ka socday kulamo is-daba-joog ah ku lahaa Muqdisho Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamanka FS iyo Guddi 21 Xildhibaan ka kooban oo Baarlamaanku u saaray Dib u eegista Heshiiskii Habka Doorashada Sannadkan ee ay Hoggaamiyeyaasha Somalia gaareen; 12-kii Abriil, 2016-ka.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Khliaafkan uu ka dhashay kaddib markii lagu sameeyay heshiiskaas wax ka beddel, gaar ahaan xildhibaannada aqalka sare ee la soo dhisi doono iyo sida loogu qaybinayo maamullada dalka, iyadoo guddiga arrintaan loo xil-saaray ay Go’aamiyeen in Gobolka Banaadir xubnaha xaqa uu leehayay, laakiin Waxaa taas kasoo horjeestay xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland.

Wararka ayaa waxay sheegayaa in Madaxweynaha Puntland, C/weli uu Maanta soo gaaray Muqdisho, iyadoo maanta la sugayay inay Muqdisho gaaraan Hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada Dalka ee qaybta ka ahaa Heshiiskan lagu muransan yahay.

Khamiista Berri ah, ayaa waxaa Muqdisho ka dhici doona kulan ballaaran oo la doonayo in meesha looga saaro caqabadaha heshiiska doorashooyinka hor-taagan, kaasoo lagu wado in ay ka qayb-galaan mas’uuliyiin kala duwan.

Maanta ayaa Waxaa sidoo kale kulan gaar ah uu Muqdisho ku dhex-maray, xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Somalia, kaasoo ay uga hadleen sidii meesha looga saari lahaa khliaafka, isla markaana ay muhiim tahay in go’aan rasmi ah la gaaro ka hor – kulamada Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ay Khamiista Berri ah kula yeelan Doonaan Muqdisho Madaxda Somalia, loogana hadli doono Doorashooyinka Dalka ka dhici doono Sannadkan 2016-ka.

Dhanka kale, Khamiista Berri ah – ayaa lagu Wadaa inay Muqdisho soo Gaaraan Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, kuwaasoo Muqdisho Kulammo kala duwan kula yeelan doona dhammaan dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: