Advertisements

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo maanta doortay Hoggaan Cusub….

NUSOJUrurka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo Toddobaadyadii uGu dambeeyay uu Shir-weynihiisii ka socday Muqdisho, ayaa maanta Doortay Hoggaan Cusub, Waxaana xilka xoghayaha guud ee ururka loo doortay Maxamed Ibraahim Macallimuu.

NUSOJ.jpg1Doorashada ayaa waxaa ka Qayb-galay; ergooyinka Ururka NUSOJ oo Gobollada ka kala yimid, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo xubno kale, Waxaana sidoo kale lagu doortay guddoomiyaha ururka iyo ku xigeenadiisa oo ahayd mid si aad ah loogu Tartamay.

Xoghayaha Guud ee Maanta la doortay, ayaa waxaa la tartamayay mid ka mid ah madaxda Idaacadaha Muqdisho oo lagu magacaabo, Cali Baashi, waxaana Macallimu uu xilka kusoo baxay markii uu tanaasulay murashaxii tartanka kula jiray, markaasoo la tirinayay codadkii la dhiibtay wareeggii koowaad ee doorashada.

Guddoomiyaha Ururka NUSOJ, ayaa waxaa loo doortay, Maahir Jaamac Aadan, Waxaana Doorashada soo af-jaraysaa khilaafyo muddo soo jiitamayay oo Ururkaan ka dhex-oognaa .

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: