Advertisements

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka guddoomay Warqadaha Aqoonsiga danjirayaasha dalalka Switzerland iyo Koonfuurta Korea.

Danjire.jpg1Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga danjireyaasha dalalka Switzerland iyo  Koonfuurta Korea.

DanjireMudane Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomaya Safiirka Koonfurta Kuuriya, Mr Young Dae Kwon.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan iyo Dae Kwon ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, dhinacyada iskaashiga sida dhaqaalaha, horumarinta miyiga, mihnadaha iyo tababarrada dhallinyarada iyo ciidamada.

Danjire.jpg1Madaxweynaha ayaa sidoo kale, Warqadaha Aqoonsiga safiirnimo ka Guddoomay safiirka cusub ee dalka Switzerland wakiilka uga noqonaya Somalia, Ralf Heckner. Waxayna isaga iyo Xasan Sheekh ka Wada-hadleen Xaaladda Somalia, Gaar ahaan Dhinacyada Amaanka, Siyaasadda iyo Doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha Ogoosto ee sanadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Munaasabada ayaa si rasmi ah loogu sagootiyay danjirihii hore ee dowladda Switzerland u joogay Somalia, Mr Dominik Langenbacher oo ay u dhamaatay Muddadii uu ka shaqeynayay Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: