Advertisements

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee QM (UNHCR) oo sheegtay inay Soomaali badan ka daad guraysay xeryaha Dhadhaab…..

UNHCR.jpg1Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee QM – UNHCR, ayaa sheegtay inay 13,800 oo Soomaali ah ka daad guraysay xeryaha Dhadhaab kuna ku celisay gudaha dalkooda December 2014 illaa April 28 ee sanadkan.

Qaxooti.jpg4Qoraal kasoo baxay Xafiiska QM Arrimaha Qaxootiga, ayaa lagu sheegay inay Hay’addu  7,703 Qaxooti Soomaaliyeed ah dib u celisay Bilihii Jannaayo iyo Abriil ee Sannadkaan.

Tan iyo markii ay billaabatay dib u soo celinta Qaxootiga ayaa sida ay war-bixntu sheegtay waxaa 63 jeer oo ka mida lagu daad gureeyay gawaarida Xamuulka, halka 75-ruux, marna loo adeegsaday soo Celintooda Duullimaadyo hawada ah, kuwaasoo la geeyay Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in 312 ka mid ah Dadkaan la soo celiyay ay 159 ka mid ihi kusoo laabteen Muqdisho, 76 qof-na la geeyay Kismaayo; Halka 77 Ruuxna loo daabulay Baydhabo, Waxayna UNHCR intaas ku dartay in Daad-gureynta Qaxootigaan ay hakiyeen Roobab lixaad leh oo da’ayay Waddada isku xirta Gobollada Koonfurta Somalia iyo Xeryaha Qoqootiga Kenya.

Sidoo kale, Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Dowladda Kenya ku dhawaaqday Todobaad ka hor inay xiri doonto xeryaha xaqootiga Dhadhaab bisha May ee sanadka soo socda.

Qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xeryaha Dhadhaab ayaa oo lagu qiyaasay iney ka badan yihiin 330,000 ayaa la sheegayaa in intooda badan ay Xeryahaas ku sugan yihiin muddo ka badan 20 sano.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaa ku doodaysa inay xeryaha Dhadhaab hoy u noqdeen Malleeshiyaadka Hubeysay ee Rabshada ka geysta gudaha Dalkeeda, Waxayna saraakiisha Ammaanka marar badan Tilmaameen inay halkaasi Gabbaadsadaan kooxo gacansaar la leh Al-shabaab.

SomakuSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: