Advertisements

Guddiga Baarlamaanka ee dib u eegista heshiiskii madasha Qaran ee Doorashooyinka oo sheegay in khalalaadkii ku jiray heshiisaas laga saaray.

Baarlamaanka SoomaaliyaGuddiga Baarlamaanka ee dib u eegista heshiiskii madasha wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, ayaa sheegay in wixii khaladaad ee ku jiray heshiisaas laga saaray.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mid ah Guddiga, ayaa sheegay in Guddiga uu wixii sixid u baahnaa uu saxay, wixii qalad ahna laga saaray, si loo helo is-bedel dhab ah mustaqbalka soo socda.

“Dahmmaan wixii khaladaad ah ee ku jiray heshiiskii waa laga saaray, sida gobolka Banaadir oo laga tagay, guddiga ayaa ku soo daray, maxaa yeelay aqalka sare ee baarlamaanka waa inuu ku jiraa gobolka Banaadir oo ah caasimaddii dalka,” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Jaamac.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Maalmaha soo socda Baarlamaanka la hor-geynayo heshiiskaas, si wixii ay dib u eegista ku sameeyeen loo ansixiyo.

Dhanka kale, Kulammo xalay dhexmaray guddigan, madaxweynaha iyo RW, ayaa la isku-mari-waayay, kaddib markii madaxda Dowladda Federaalka ay Guddigaan ka dalbadeen inaanay wax ka beddelin Qodobbada qaar, isla markaana sida uu yahay loo meel-mariyo.

Ugu dambeyn, Go’aannadii kasoo baxay Madashii Qaran ee Muqdisho ayaa waxay salka ku hayeen habka ay doorashadu uga dhacayso dalka sannadkan lagu jiro oo la isku raacay inay noqoto hannaanka awood-qaybsi ee 4.5-ka.

SomakuSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: