Advertisements

Ciidamo huwan ah oo isugu jira Somalia, AMISOM iyo Mareykan oo saakay weerar qorsheysan ku qaaday tuulada Bariirre ee G/ Sh. Hoose.

AMISOM KismaayoCiidanka Kumaandooska Somalia,  AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah, ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaaday deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan, ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Diyaarado kuwa Qummaatiga u kaca ah ee Helicopters-ka, waxaana dagaal muddo socday uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadan huwanta ah, iyadoo la sheegay in Al-shabaab Bariirre laga saaray.

Hay’adda Nabad-sugidda Somalia ayaa sheegtay in ciidamada Gaarka ah ee Komaandoosta Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen Weerar qorsheysan, ayna howlgalkan ku qabsadeen Saanad ciidan iyo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Warkan ayaa intaas ku daraya – in Ciidammadaan huwanta ah ay kusoo furteen weerarkaas maxaabiis Al-shabaab ugu xirnayd Saldhigga Bariire, inkastoo tiradooda aan la sheegin.

Dhanka kale, Dadka ku nool Bariirre ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo diyaaradaha qummaatiga u kaca ay fuliyeen, iyadoo ciidamada wadajirka ayaa howl galka kaddib kasoo laabtay deegaanka.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay, ayaa sheegay in ciidammo isugu jira Mareykan iyo AMISOM ay Weerar ku soo Qaadeen Deegaanka Bariirre, laakiin ay iska-difaaceen, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.

Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska-horimaadka, iyadoo uu ku soo beegmayo howl-galkan iyadoo dhawaanahan hawlgallo noocooda ah ay qaybo ka mid ah Soomaaliya ka fuliyeen ciidammada kumaadoosta Somalia iyo ciidammo Mareykan ah.

SomaliSwisss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: