Advertisements

Maanta oo dalka Soomaaliya laga Xusay Maaninta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May.

15 May.JPG2Maanta oo ah waxaa guud ahaanba Dalka Somalia looga dabaal-dagayo maalinta 15-ka May oo ah maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa magaalada Beledweyne waxaa maanta lagu qabtay munaasabada ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

15 May.JPG1Guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan, Maxamed C/llaahi Buraale Raaxeeye oo ugu horeyn Daah-furay Munaasabadda ayaa ku dheeraday Qiimaha maanta oo kale ay u leedahay guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dhallinyarada maadaama ay ku asteysan aasaaskii SYL oo ay ku mideysnaayeen 13 dhalinyarro Soomaali ah.

”1943-kii ayay ahayd markii ay dhalinyarrada Soomaaliyeed dareemeen dhibaatada uu ku hayay Dalka Gumeystihii Taliyaaniga iyo Ingariiska, taasoo keentay in ay ku dhawaaqaan ururkii SYL, iyagoo waliba adeegsanayay tab iyo xeelad u gaar ah oo ay adkeyd in si sahal ah loo fahmo” ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buraalle.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Hiiraan, Farxaan Cumar Carte oo ka jeediysay hadal Munaasabada ayaa ugu baaqday dowladda federaalka in ay shaqo abuur u sameeyaan Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Sanadihii ugu dambeeyay si weyn ugu Dhimanayay Badda, iyaga oo u socdaalaya dalal shisheeye.

15 MayDhanka kale, Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan oo hadal ka jeediyay madasha ayaa oo ku booriyay Dhallinyarada Soomaaliyeed ay Maskaxdooda iyo muruqooda maalaan, kana Faa’iideystaan kheyraadka ku jira Waddankooda, taasoo ay uga maarmayaan dhibaatada uu ku hayo dhalinyarrada Soomaaliyeed tahriibka.

Xisbigii SYL, wuxuu u taagnaa erayada Af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Ka qeyb-galayaashii munaasbada maanta ka dhacday magaalada Beledweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay dabaal-daga maanta oo kale loo sameeyo Sanad Walba 15 ka bisha May, Waxaana goobta lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumeysa qiimaha ay u leedahay Xuska maanta oo kale bulsho weynta Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, Dhalinyarada Xilligan ayaa lagu dhaliilaa in aysan la iman Wax-qabad la taaban karo, si la mid ah 13 kii Dhalinyarada Soomaaliyeed ee aas-aastay xisbigii SYL oo kusoo shaqeeyay marxalad adag oo aqoonta, dhaqaalaha & tiknoolajiyada intan ka liidatay.

SYL1SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: