Advertisements

Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya oo loo kordhinaayo muddada joogitaankooda Dalka Soomaaliya.

African Union Mission in Somalia (AMISOM) peacekeepers and Somalia soldiers take a break after clashes between the insurgents and government forcesWar lagu soo saaray Barta internetka ee Ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in joogitaanka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya lagu kordhinaayo mudada ay joogayaan gudaha Soomaaliyaa ilaa 30ka bisha 5aad ee 2017.

 Go’aankaas ayaa waxaa la gaaray Arbacadii tegtay, ha yeeshee waxaa la filayaa in 22,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah oo jooga Soomaaliya ay sii joogi doonaan Soomaaliya 12 bilood oo kale oo hada wali dhimman.

Midowga Afrika ayaa go’aankaasi qaatay walow Midowga Yurub uu dhawaan dhimay lacagihii uu ugu deeqi jiray AMISOM ilaa 20%.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Afrika wuxuu ugu baaqay Midowga Yurub inuu dib uga noqdo go’aanka ku aaddan dhimitaanka qarashaadka uu ugu deeqo AMISOM..

“Anagoo kaashaneyna Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa AMISOM waxay sii wadi doontaa jebinta maleeshiyada Al-shabaab waxaana fursad usiin doonaa dadka Soomaaliya inay ku naaloodaan nabad iyo amni,” maamulka AMISOM ayaa sidaa sheegay.

Al-Shabaab ayaa hawlgalo maqaawimo ah ka waday gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2006.

SomaliSwiss       Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: