Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baarlamaanka ugu baaqay inay fududeeyaan meel-marinta hannaanka dooranshada….

Madaxweyne Xasan 25.jpg3Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Federaalka Somalia, ugu baaqay in iyadoo la eegayo xilliga yar ee harsan loo baahan yahay in la fududeeyo meel-marinta hannaanka dooranshada  ka dhici doonta dalka Soomaaliya Sannadka aan ku jiro dabayaaqadiisa.

Xasan Sheekh, ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan gaar ah oo uu maanta ka dhacay Guddiga Baarlamaanka Federaalka u qaabilsan Hannaanka Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo.

“Baarlamaanka waa astaanta Dowladnimadeena, sidaas darteed markii madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamullada Dalka ay isku soo raaceen Hanaanka Doorasho, waxaana lagama maarmaan noqotay sida sharcigu qabo in idinkuna aad talo ka dhiibataan, ugu dam-beyntiina aad Ansixisaan, si loo helo Hannaan Sharciyad Dhammeystiran leh. Waxaan mar walba adeegsaneynaa oo dowladnimadeena ay ku dhisan tahay nidaamka Wada-tashiga iyo wax isla oggolkam” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay baahida loo qabo dhismaha dhaqan dowladeed hufan oo daboolaya rabitaanka shacabka, xilliga jirtaanka golayaasha qarankana la dhawro, sida uu dastuurka dhigayo.

Madaxweynaha Soomaaliya – ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku Guda jirto Dhismaheeda Hay’adaheeda Dowliga, Lagama maarmaanna ay tahay in laga Wada-shaqeeyo si loo Helo Caddaalad, Nabad iyo Horumar.

Dhanka kale, Kulankaan ayaa waxaa ka hadley Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuuna ku Nuux-nuuxsaday inay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho sannadkan dhamaadkiisa.

Ugu dambeyn, Guddiga Baarlamaanka Federaalka ee hannaanka doorashada, ayaa loo xil-saaray inay kasoo talo-bixiyaan Hannaanka Doorashada Somalia, kadibna ay xubnaha kale ee Baarlamaanka Somalia la wadaagaan. Waxaa heshiiska hannaanka doorashada loo Gud-biyay Baarlamanka Somalia 30-kii Bishii Abriil ee lasoo dhaafay.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: